Cayaaraha

Alessio Romagnoli oo diyaar u ah in uu kasoo muuqdo finaalaha tartanka Coppa Italia

Daafaca dhexe ee Kooxda AC Milan Alessio Romagnoli ayaa ku soo laabtay tababarka Kooxdiisa, kaas oo rajaynaya in uu kasoo muuqan doono kulanka toddobaadka soo aadan.

Kooxda ku Ciyaarta garoonka Stadio Giuseppe Meazza ee Rossoneri ayaa toddobaadka dabe la Ciyaari doonta Kooxda Hellas Verona, hase yeeshee Romagnoli ayaa raba in uu kasoo muuqdo kulankaas iyo si la mid ah finaalaha tartanka Coppa Italia oo 9-ka bishan ay la qaadan doonaan Kooxda cadowgooda ee Juventus.

Xiddiga heerka Caalami ee Wadanka Talyaaniga Alessio ayaa garoomada ka maqnaa muddo seddex isbuuc, kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa.

Sida laga soo xigtay Sky Sport Italia, Tababaraha Kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa rajeynaya in Alessio Romagnoli uu diyaar u noqon doono kulanka Sabtida iyo kan fiinaalaha Coppa Italia ay la Ciyaari doonaan Kooxda Cimaaliqada dalka Talyaaniga ee Bionconeri Arbacada soo aadan.

 

Image result for Alessio Romagnoli treningImage result for Alessio Romagnoli trening

The post Alessio Romagnoli oo diyaar u ah in uu kasoo muuqdo finaalaha tartanka Coppa Italia appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )