Cayaaraha

Aqri :Jawaabtii Uu Bixiyay Gigi Buffon Markii La Weydiiyay Seddexda Goolhaye Ee Ugu Fiican Caalamka Waqti Xaadirkaan

Isagoo jira da’da 40 sanno, goolhayayaasha intooda badan waxa ay dooran lahaayeen inay ciyaaraha ka fariistaan ama inay ku nastaan horyaalo hoose laakiin Buffon waxa uu weli ka tartamayaa mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub.

Inkastoo uusan aheyn sidii uu ahaan jiray, Buffon ayaa weli loo texgeliyaa inuu ka mid yahay goolhayayaasha ugu fiican caalamka.

Xitaa haddii uusan qeyb ka noqoneynin shanta goolhaye ee ugu fiican dunida waqti xaadirkaan, waxa uu weli ka mid ah kuwa ugu fiican dunida, waxaana uu hubaashii u qalmaa inuu kala doorto goolhayayaasha ugu fiican dunida ee maanta.

Warbaahinta Canal Foot ayaa weydiisay Buffon inuu doorto goolhayayaasha ugu fiican waqti xaadirkaan.

Inkastoo goolhayaha PSG uusan u kala dooranin sida ay u kala sareeyaan hadana waxa uu doortay seddexda goolhaye ee ugu sareysa isagoo bixiyay jawaab xiiso leh.

Buffon ayaa ku jawaab celiyay: “Waxaad dooneysaa seddex magac laakiin waxaan ilaawi doonaa 100. Sidaasi darteed waxaan dhihi lahaa: dabcan Neuer, De Gea iyo Oblak… ka dib waxaa soo raacay Courtois, Navas. Waxaan ku jirnaa waayo ay joogaan goolhayayaal aad u badan oo fiican.”

Jan Oblak ayaa rikoor fiican ku heysta Atletico Madrid sidaasi darteed waa qasab in la xuso, si la mid ah De Gea kaasoo kooxdiisa Manchester United wacdarro u dhigay sannadkan 2018.

Neuer ayaa inta badan sannadkan dhaawac ahaa, laakiin waxa uu qabtay shaqo fiican xilli ciyaareedyadii u danbeysay sidaasi darteed waa qasab inuu ku jiro seddexda magac ee u sareysa.

Goolhayayaasha sida Allison Becker, Marc-Andre ter Stegen iyo Ederson ayaa dabcan nasiibdarro ay ku tahay inaan magacooda la xusin.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )