Cayaaraha

Cayaariyahan Mata iyo waa yihiisa Kooxda United oo soo,,,

Manchester United ayaa doonaysa in qandaraas cusub ku abaalmariso Cayaariyahan Juan Mata, inta lagu guda jiro bishan, sida ay sheegayaan wararaka.

30-sano jirka reer Spain Mata ayaa hishiiskiisa Kooxda Old Trafford waxaa uu ku eg yahay dhamaadka ololahan.

Mata ayaa diyaar u ah in uu wadahadalo la furto qaar ka mid ah Kooxaha qaarada Yurub, ka hor bisha January hadii ay guuldaraystaan wadahadala labada dhinac.

Sida ay ku waramayso Jariirada The Sun, Mata ayaa doonaya in uu sii ahaado Kooxda United, xilli wakiilkiisa Juan senior oo ah aabaha dhalay Mata ay ka wada hadlayaan sidii uu qandaraas cusub uu ugu saxiixi lahaa Kooxdiisa.

Mata ayaa kasoo tagay Chelsea sanad Ciyaareedkii 2014-kii, kadib markii hishiiskiisa lagu kansalay aduun dhan £37-million.

Warar ayaa sheegaya hadii uu fashilmo hishiiska Mata iyo Kooxda Red Devils ay dhici karto in uu dib ugu laabto Kooxdiisii hore ee Valencia.

Mata ayaa 31-goal u dhaliyay Kooxda Man United, kadib 144-kulan uu kasoo muuqday Kooxdiisa, xilli uu lasoo shaqeeyay David Moyes, Louis van Gaal iyo Jose Mourinho.

Da, yarkii hore ee Kooxda Real Madrid Mata ayaa usoo dhaqaaqay ciida Englnad Bishii July 2007-dii, isagoo lagula soo wareegay £24-million, ka hor inta uusan kasoo tagin Kooxda Valencia.

Mata ayaa qayb ka ahaa xiddigihii Kooxda Chelsea kula guulaystay tartanka Champions League sanadii 2012-kii, ka hor inta uusan Kooxda Old Trafford kula guulaysan tartamada League Cup, FA Cup iyo Europa League.

 

The post Cayaariyahan Mata iyo waa yihiisa Kooxda United oo soo,,, appeared first on Goolasha.live.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )