Cayaaraha

Chelsea oo iska hilmaamaysa Thibaut Courtois, xilli ay u jihaysatay Alisson Becker

Sida saaka lagu daabacay Jariirada Sky Sport Italia’ Kooxda Kubada Cagta ee Chelsea ayaa dalab ka gudbin doonta goolhayaha Kooxda AS Roma Alisson Becker.

Alisson ayaa noqday mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican adduunka tan iyo xilli ciyaareedkii dhamaaday, kaddib markii uu Kooxdiisa ka caawiyay in ay gaarto Sama Fiinaalaha tartanka Champions League iyo si la mid ah in Kooxda ay ku dhamaysato booska sedexaad ee Serie A.

Qaab ciyaareedka goolhaye Alisson ayaa soo jiitay indhaha qaar ka mid ah Kooxaha qaarada Yurub, sida Liverpool, PSG iyo Real Madrid.

Sky Sport Italia ayaa soo warisay in Chelsea ay dalab u dirtay Alisson, iyagoo diyaar u ah inay iska iibiyaan Thibaut Courtois, balse tartan adag kala kulmi karta qaar ka mid ah Kooxaha qaarada Yurub.

Qandaraaska Courtois ee garoonka Stamford Bridge ayaa dhacayaa sanad Ciyaareedka 2019-ka, hase ahaatee maamulka Kooxda Blues ayaa raba in bedelkiisa ay soo qaataan goolhayaha reer Brazil ee Alisson Becker.

Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa isku dayaya inay la soo saxiixdaan goolhayaha reer Belgium iyo kooxda Chelsea Thibaut Courtois, kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo Kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

 

Image result for Alisson

The post Chelsea oo iska hilmaamaysa Thibaut Courtois, xilli ay u jihaysatay Alisson Becker appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )