Cayaaraha

Garsoorayaasha Heerka Caalami Ee Dalka Oo Maanta U Amba Baxay Wadanka,,,,

Afar ka mid garsoorayaasha heerka caalami ee Dalka ayaa u safray wadanka Zambia, waxayna dhex dhexaadin doonaan kulan ka tirsan is reeb reebke koobka African Cup of Nation.

Garsoorayaasha Saaka dalka ka amba baxay waxa ay kala yihiin Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari),Xamse Xaaji Cabdi,Suelyman Sheikh Bashiir Cabdi iyo sidoo kale garsoore Cumar C/qaadir Cartan.

Kulanka u dhaxeeya labada dal ee kala ah Zambia iyo Guinea ayaa dhici doono todonaadka soo aadan, waxaan inta badan garsoorayaasha heerka caalami ee dalkeena loo soo xulaa dhex dhexaadinta kulamada ceeynkaas oo kale.

Xasan Baari ayaa ah garsooraha dhex dhexaadin doona, halka Calanhayaha 1-aad uu yahay Xamse Xaaji Cabdi, halka Calanhayaha 2-aad isna uu yahay Suleymaan Sheikh Bashiir Cabdi, halka garsooraha keydka uu yahay Garsooraha Da,da yar ee Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Si kastaba ha ahaatee’ Xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa ayaa garsoorayaasha caalimga Soomaaliya ku tilmaamay kuwa aad u sarayso tiyadooda, waxayna ka mid yihiin haldoorada ugu wanaagsan dhanka garsoorka marka ay timaado kulama Kooxaha iyo Xulalka.

 

Image may contain: 3 people, people standing

W/D/ Maxamed Xuseen Qalinle

The post Garsoorayaasha Heerka Caalami Ee Dalka Oo Maanta U Amba Baxay Wadanka,,,, appeared first on Goolasha.live.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )