Cayaaraha

Halkee Ayuu Ku Dhashay, Sideeh Ayee Isku Yihiin Jaceelka, Imiso Koox Ayuu U Soo Ciyaaray Catoosh( Ka Boggo Taariikhda Cabdicasiis Catoosh)…..

Magaciisa oo buuxa waa C/casiis Maxamed Catoosh, waxa uu ku dhashay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

 

Magaciisa oo buuxa waa C/casiis Maxamed Catoosh, waxa uu ku dhashay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

 

 

Catoosh ayaa ku soo baxay xirfadle ku cayaara lugta bidix, garoomada yar yar ee xafaadaha ku yaala ayuuna ahaa mid aad uga dhexmuuqda, sidoo kale Catoosh ayaa intuu yaraa kusoo baxay xiddig ku wacan tuurista rigooroyinka ama gool ku laadyada.

 

 

Bilowgii sanadii 2010 ayuu ku biiray kooxda Muqdisho United oo markaas lagu magacaabi jiray Badbaado oo waagaa cayaareysay Horyaalka heerka labaad, kaas oo lagu qabtay Garoonka dugsiga Booliska (Scuola Polizia).

 

 

Dhanka kale xiddigaan ayaa loo magacaabay dhammaadka sanadii 2010 ciyaartoyda mataleysa tartanka Gobollada ee Gobolka Banaadir ee markaas lagu marti galinayey magaalada Garoowe ee Gabolka Nugaal, markaasoo uu Gobolka Banaadir ku soo guuleystay koobka, waxaana xilligaasi macallinkii watay Gobolka Banaadir uu ahaa C/llaahi Siyaad, waxayna ku beegnayd 31 bishii December sanadkii 2010-kii.

 

 

Markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxa uu ku biiray kooxda Horseed sanadii 2011, asagoo xirnaa maaliyadda kooxda xoogga dalka hal sano oo kaliya, wax koob ahna kulama uusan guuleysan inta uu ka midka ahaa HORSEED.

 

 

Bilowgii sanadii 2012 oo dib loo aas-aasay kooxda LLPP Jeenyo ayuu ka qeeb noqday cayaartoydii lagu aas aasay kooxdaas.

 

 

C/casiis Catoosh ayaa inta uu ka tirsanaa kooxda LLPP Jeenyo kula guuleystay labo koob oo Janaraal Daa’uud ah, hal koob oo Super Cup ah iyo laba koob oo munaasabado ah.

 

 

Catoosh ayaa kooxda uu sagootiyey ee Jeenyo ka khasaariyey gool ku laad kulankii Final-ka Super Cup-ka Soomaaliya oo dhacay maalintii Jimcaha oo ay taariikhdu ku beegnayd 11/11/2016, kaasoo ay hanatay kooxda Banaadir Sports Club.

 

 

Ugu dambeyn C/casiis Maxamed Catoosh ayaa macsalaameeyey kooxda LL.PP Jeenyo, taageerayaasha iyo maamulka kooxdaas wuxuu si rasmi ah ugu biiray kooxda Dekedda.

 

 

Dekedda ayuu laacibkan ku sugnaa muddo hal sano ah isagoo kula guuleystay horyaalka Somali Premier League, Sanadkii 2016-kii.

 

Sanad kaddib waxa uu Catoosh ku biiray naadiga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan Fc, wuxuuna ahaa hogaamiyahooda balse xidigan ayaa haatan  iskaga hayaamay kooxda Heegan.

 

 

Catoosh ayaa kamid ah xidigaha ugu wanaagsan horyaalka Soomaali Premier League, wuxuuna dib ugu laabtay kooxdiise hore ee Dekedda.

 

W/D: Cabdifitaax Nani

The post Halkee Ayuu Ku Dhashay, Sideeh Ayee Isku Yihiin Jaceelka, Imiso Koox Ayuu U Soo Ciyaaray Catoosh( Ka Boggo Taariikhda Cabdicasiis Catoosh)….. appeared first on Goolasha.live.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )