Cayaaraha

Inter oo mid ka mid ah xiddigaheeda u diiday United, xilli ay ku abaalmarisay

Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in garablaha Kooxda Inter Milan Marcelo Brozovic uu qalinka ku duugay hishiis socon doona ilaa iyo sanada 2021-ka.

Kooxda Kubada Cagta ee Nerazzurri ayaa ugu danbayn ku guulaysatay in hishiis cusub ay ku abaalmariso Cayaariyahankeeda Khadka Dhexe ee Brozovic, kaas oo xulkiisa Croatia ka caawiyay in ay gaaraan kama danbaysta Koobka Aduunka.

Shabakada Tuttosport ayaa ku waramaysa in Brozovic uu markii horaba dalbaday in la dheereeyo hishiiskiisa, lana gaarsiiyo ilaa iyo 2021-ka.

25-sano ayaa san walba Kooxda San Siro ka qaadan jiray aduun dhan €2.4m, balse hada la gaarsiiyay ilaa iyo €3m.

Si kastaba ha ahaatee’ Nerazzurri ayaa sheegtay in hishiiskiisa lagu kansali doono hadii loo baahdo aduun dhan €60m ilaa iyo €70m, Xilli kal hore lala xiriirinayay Kooxda ugu guulaha badan England ee Manchester United.

 

The post Inter oo mid ka mid ah xiddigaheeda u diiday United, xilli ay ku abaalmarisay appeared first on Goolasha.live.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )