Cayaaraha

Juvantus oo sameesatay qorsho ay ku iibsan karto pogba

Manchester United ayaa laga yaabaa inay suuqa ugu jirto ciyaaryahan kale oo qadka dhexe ah xagaagan, iyadoo Paul Pogba uu diirada u saaran yahay inuu dib ugu laabto Juventus.

Pogba ayaa la kulmay warar badan oo ku aadan hoos u dhac tan iyo markii uu ku soo laabtay Old Trafford heshiis hal sano ah ka hor.

Wargeyska Talyaaniga ee Tuttosport ayaa sheeganaya inuu indhaha ku hayo inuu dib ugu laabto Allianz Stadium, halkaasoo uu ku riyaaqay sanao badan ka hor inta uusan ku soo laaban kooxda Manchester united.

Kooxda heysata championka italy ee Juventus ayaa rajeynaya in Pogba ay ku soo laabto lacagaha ay ka hesho xidigeeda Miralem Pjanic oo wada doonaya kooxaha Chelsea, Barcelona iyo Manchester City.

Pogba waa xidiga ugu qaalisan kooxda Manchester lagamana yaabo in si sahlan ay isaga diraan balse wax war ah kama soo yeerin maamulka sare iyo xidigaba oo ku aadan xiisaha kooxda Juvantus oo la soo saxiitay Ronaldo.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )