Cayaaraha

Kooxaha Arsenal, Tottenham, Bayern iyo Dortmund oo ku dagaalamaya saxiixa Cayaariyahan,,,

Kooxda Kubada Cagta ee Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay kusoo biirtay raacdada loogu jiro ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Kooxda AS Roma Cengiz Under.

Sida laga soo xigtay CalcioNews24, qaab ciyaareedka Cengiz ayaa soo jiitay Kooxaha kasoo jeeda Waqooyiga Magaalada London, balse tartan adag ka filaaya Kooxaha ugu awooda badan Bundesliga ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund.

Agaasimaha isboortiga ee Kooxda Giallorossi Monchi ayaa sheegay in uusan iib ahayn Cayaariyahan Under, kaas oo hada laga fekerayo kor u qaadista mushaarkiisa iyo si la mid ah in hishiis cusub lagu abaal mariyo, balse uu soo hadal qaaday iibka Cayaariyahanka reer Argentina ee Lorenzo Pellegrini, kaas oo lagu qiimeeyo aduun dhan € 30-million oo euro.

Si kastaba ha ahaatee, Wargaysyada kasoo baxa gudaha dalka Talyaaniga ayaa rumaysan in wadahadalada xiddiga heerka Caalami ee Wadanka Turkiga iyo Kooxaha qaarada Yurub ay si wanaagsan u socdaan, xilli qandaraaskiisa garoonka Stadio Olimpico lagu burburin karo lacagta dhan € 40-ilaa iyo 50m.

 

Image result for Cengiz Under.Related image

The post Kooxaha Arsenal, Tottenham, Bayern iyo Dortmund oo ku dagaalamaya saxiixa Cayaariyahan,,, appeared first on Goolasha.live.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )