Cayaaraha

Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United oo wali eeganaya xaalada Cayaariyahan,,,

Cayaariyahan Mauro Icardi ayaan wali wax wadahadal ah la furanin Kooxdiisa Inter Milan, kaas oo ku aadan heshiis kordhin.

Nerazzurri ayaa hore u sheegtay in aysan marnaba beecin doonin Kabtankeeda Icardi, balse hadii loo baahdo in qandaraaskiisa lagu nasaqi karo lacag dhan $126-million oo dollar.

Maamulka Kooxda Inter Milan iyo Wanda Nara oo ah Xaaska Mauro Icardi ayaa ka arinsan doona toddobaadka soo aadan xaalada Cayaariyahanka, xilli haatan uu gudanaayo waajibaadka Xulkiisa Qaranka Argentina, kadib markii uu dhowr jeer ha kaday wadahadalada labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee’ Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United ayaa weli lala xiriirinayaa Cayaariyahan Mauro, kaas oo Nerazzurri u dhaliyay 112-gool, kaddib 190-kulan oo uu u saftay Kooxdiisa.

 

Related imageImage result for Icardi and wife

The post Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United oo wali eeganaya xaalada Cayaariyahan,,, appeared first on Goolasha.live.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )