Cayaaraha

kooxda Everton Oo Dhibaato kale Soo Wajihi Rabta Kadib Ka Hayaamidii Rooney

Stoke City ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay dalab u dirto daafaca kooxda Everton Ashley Williams.

 

Tababaraha Potters Gary Rowett ayaa diyaar u ah inuu soo bandhigo xiddiga reer Welsh ee ka soo jeeda Goodison Park, sida uu qoray wargeyska The Guardian.

 

Williams ayaa ku soo laabatay qaab ciyaareed liita iyadoo Everton ay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ka dambeysay, waxaana ugu dambeyntii hoos u dhigay maamulihii hore Sam Allardyce.

 

Tababaraha cusub ee Toffees Marco Silva ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo daafacaan cusub xagaagaan, Williams ayaana ka mid ah ciyaartoy dhowr ah oo uu diirada saarey inuu ka tago.

 

Wayne Rooney waa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee ka tagay Goodison Park intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )