Cayaaraha

Macalinka Arsenal oo ka rajo dhigay hanashada Horyaalka, kaddib ,,,,,

Hogaamiyaha Kooxda Arsenal Unai Emery ayaa si maldahan u sheegay in guulaha Kooxdiisa aysan ka tarjumaynin ku guulaysiga Ciyaaraha Inglish Premier League.

Kooxda qoryoolayda ee Gunners ayaa booqatay galbeedka magaalada London, xilli 5-1 ay ku garaacay Kooxda Fulham, Ciyaar ka dhacday garoonka Craven Cottage.

Macalinka reer Spain ee Emery ayaa amaan kala dul dacay Alexandre Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo min laba jeer shabaqa gaaray, halka Cayaariyahanka reer Wales ee Aaron Ramsey uu isna markiisa shabaqa gaaray intii lagu guda jiray qaybtii labaad ee dheesha.

Si walba ha ahaatee’ Unai Emery ayaa war baahinta u sheegay, kaddib markii ay soo dhamaatay dheeshii labada Naadi ee Arsenal iyo Fulham, in rajada muuqata ee Kooxdiisa aanu ahayn mid ay ku guulaysan karaan Horyaalka.

”Waxaad dareemaysaa in wax walba sidoo loogu talo galay ay u socdaan’ hadafkeena waa in aan guulaysanaa kulan walba, waa in aan ka gudubnaa wixii nasoo dhaafay.

”Waxaa nagu dhacday laba guuldaro oo xiriir ah, qof walba ayaa xasuusta markii an la Ciyaarnay Kooxaha Manchester City iyo Chelsea, balse wax walba waxay kusoo laabteen sidii loogu talo galay,”ayuu hadalkiisa kusoo kooban Unai.

Gunners ayaa ku jirta booska Afaraad ee liiska Kooxaha England, xilli ay laba dhibcood ka hoosayso Kooxaha hogaanka sare, kadib markii ay adkaatay Lix kulan oo xiriir ah.

 

Alexandre Lacazette netted a double as Unai Emery entrusted the Frenchman to lead the Arsenal front-line on his ownNot wanting to be left out, Pierre-Emerick Aubameyang came off the bench to match Lacazette with a late brace of his own The pair of forwards celebrated to together as Aubameyang slotted home his first goal of the afternoon at Craven CottageAaron Ramsey came off the bench to grab Arsenal's third with his first touch of the game, scoring 39 seconds after coming onUnai Emery insists Arsenal 'can get even better' after winning their ninth successive game

The post Macalinka Arsenal oo ka rajo dhigay hanashada Horyaalka, kaddib ,,,,, appeared first on Goolasha.live.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )