WARARKA MAANTA

Madaxweynaha oo furay shir lagaga hadlayo xoraynta deeganada wali ka maqan gacanta Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta 19 Feb, 2018 waxaa uu furay Shir lagaga hadlayo dardar galinta howlaha dib u xoraynta deeganada Jubbaland ee wali ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Shirkan oo socon doona mudo sadex maalmood ah waxaa lagu wadaa in lagaga hadlo sidii hawlgal midaysan loogu qaadi lahaa kooxaha Argagixisada ah ee ku sugan qaybo kamid ah Jubbaland gaar ahaan Gobolka Jubada Dhexe.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in shirkan lagu gorfayn doono inta uu la egyahay diyaar garowga dhinacyada kala duwan iyo sidii dib u habayn loogu samayn lahaa hananka howlgalkan oo la doonayo in Al-Shabaab lagu soo afjaro.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )