Cayaaraha

Manchester City Oo Heshay Badalka Fernandinho

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa da’yarka kooxda Lyon Tanguy Ndombele.

 

21 jirkaan ayaa  qeyb ka ah xulka France ee da’doodu ka hooseyso 21 jir ayaa waxa uu diiwaan geliyay afar caawiye 13 kulan oo uu saftay ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Image result for Tanguy Ndombele

Sida laga soo xigtay jariiradda The Express, tababaraha City Pep Guardiola ayaa isha ku haya inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska, islamarkaana keeno Manchester.

 

Wargeyska ayaa sheegaya in Guardiola, oo doonaya inuu bedel u noqdo 33 jirka Fernandinho xagaaga, ayaa indha indheyn u direy ciyaaryahanka khadka dhexe ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

 

City ayaa lala xiriirinayay ciyaaryahankii hore ee Napoli Jorginho markii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga, lakiin ciyaaryahanka reer Brazil ayaa doorbidaya inuu u dhaqaaqo Chelsea.

The post Manchester City Oo Heshay Badalka Fernandinho appeared first on Goolasha.live.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )