Cayaaraha

Manchester United oo si fidud ku helaysa bedelka Cayaariyahan Pogba, ka hor suuqa jilaalka ee Janaayo

Kooxda Kubada Cagta ee Manchester United ayaa eegaysa xaalada xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Ajax Amsterdam Frenkie de Jong.

Warsidaha Daily Star ayaa ku waramaya in De Jong uu ka mid yahay ciyaartoyda da’da yar ee ugu wanaagsan qaarada Yurub, hase ahaatee hogaamiyaha Kooxda United Jose Mourinho ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in uu lasoo saxiixdo xiddiga reer Holland De Jong.

Kooxda ugu guulaha badan England ee Manchester ayaa ka war haysa xaalada Kooxda Barcelona oo sidoo kale qayb ka ah Naadiyada lala xiriirinayo saxiixiisa, ku waas oo wakiilo ka socda Kooxda Catalania ay daawadeen qaab Ciyaareedkiisa, kulan Xulkiisa looga badiyay 2-1 oo ka dhacday Magaalada Paris bishii September ee sanadkaan, kaas oo u dhexeeyay Holland iyo Faransa.

Kooxda kasoo jeeda Waqoyiga Magaalada London ee Tottenham Hotspur ayaa bilowgii ololahaan lagu soo celiyay aduun dhan £ 45-million, xilli loo sheegay kaliya in lagu fasixi karo lacag dhan £ 50-million.

Hogaamiyaha reer Portgaal ee Jose Mourinho ayaa cilaaqaad wanaagsan la leh Kooxda Ajax Amsterdam, kaddib markii ay dhawaan ka iibiyeen Cayaariyahan Daley Blind oo dib ugu laabtay Kooxdiisa, taas oo sababi karta in ay adeegiisa u isticmalaan Cayaariyahan Pogba oo laga yaabo in uu ka tago Kooxdiisa, ka hor suuqa Jiilaalka ee bisha Janaayo.

 

Related image

The post Manchester United oo si fidud ku helaysa bedelka Cayaariyahan Pogba, ka hor suuqa jilaalka ee Janaayo appeared first on Goolasha.live.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )