Cayaaraha

Mesut Ozil Oo Taariikh U Dhigay Ciyaartoyda Jarmalka Ah Ee Soo Maray Premier League Kadib Kulankii Leicester City.

Mesut Ozil ayaa ka yaabsaday qof walba xalay kadib markii uu bandhig cajiib ah ka sameeyay garoonka Emirates Stadium kulan ay 3-1 ku dhaafeen Leicester City, inkastoo uu kooxdisia guul gaarsiiyay hadana rikoor shakhsiyadeed ayuu sameeyay.

Jamaahiirta Arsenal ayaa xalay si weyn ugu farxay bandhigga Mesut Ozil kaas oo gool dhaliyay ka hor inta aan la yeerin seeriga qeybta hore, sidoo kalana wuxuu si cajiib leh u caawiyay Aubameyang, isagoo qeyb ka ahaa goolkii goosha laga soo agaasimay ee natiijada u xaqiijiyay Gunners.

Goolkii uu xalay dhaliyay Mesut Ozil wuxuu kaga dhignaa midkiisii 30-aad ee horyaalka Premier League, wuxuuna noqday jarmalka ugu goolasha badan horyaalka isagoo rikoorkaas kala wareegay Jurgen Klinsmann oo kaliya 29-gool ka dhaliyay England.

Ciyaartoyda Jarmalka Ah ee ugu goolasha badan EPL:

1. Mesut Ozil 30

2. Jurgen Klinsmann 29

2. Uwe Rosler 29

4. Robert Huth 21

5. Lukas Podolski 19

Si kastaab Ozil ayey kaamirooyinka qabteen isagoo sii dabaal dagay ka hor inta uusan kubadda shabaqa ku hubsan Pierre-Emerick Aubameyang, jamaahiirta Gunner oo baraha bulshada ku hadlaya ayaana qoray sidaan:

“Qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee Ozil intuu xirnaa maaliyadda Gunners”

“Ozil wuxuu ahaa heer caalami xalay’

“Ma qaadan karo goolka saddexaad ee Arsenal, Ozil waa caaqil mana jiro qof u dhawaan kara

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )