Cayaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kusoo biiray saaxada isboortiga

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xubin Sharaf ka noqonaya Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga ayaa sidoo kale xubin sharafeed u gartay Laacibaddii Hore Kubadda Koleyga Caasho Xasan Xuseen (Caasho Taraafiko) isla markaana ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo ka badan 25-sano ku dhex jirtay Ciyaaraha Kubada Kolayga.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga oo 25-kii bishan isugu yimid magaalada Muqdisho shirwaynihii 25-aad ee Xiriirkaas ayaa u gartay labada shaqsi ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Caasho Xasan Xuseen (Caasho Taraafiko) in ay xubin sharafeed ka noqdaan Nuucyada kala duwan ee isboortiga, gaar ahaan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga.

Ma ahan markii ugu horaysay ee uu Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga uu shaqsiyaad magac wayn ku dhex leh Bulshada uu u aqoonsado Xubin shareed, xilli Garsoore heer Caalami Dr Maxamed Aadan Jeele ay u aqoonsadeen Gudomiye Sharafeed, Halka Cabdulqaadir Ibraahim Gacal “Abkow” Guddomiyihii hore ee GOS isna kal hore loo magacaabay Gddomiye sharafeed Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS).

 

Image result for Caasho Xasan Xuseen (Caasho TaraafikoRelated image

The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kusoo biiray saaxada isboortiga appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )