Cayaaraha

Real Madrid Oo Dooneysa Daafaca Kooxda Tottenham Kieran Trippier Xili Spurs ay Soo Bandhigtay Qiimaha Ay Ku Dooneyso

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa soo bandhigtay qiimaha ay ku fasixi karto xidigeeda Kieran Trippier kaa oo bartimaameed u ah kooxda Real Madrid, waana qiimo dhan 50-Milyan oo ginni ah sida ay daabaceyso majalada The Sun.

Kieran Trippier ayaa ku soo muujiyay koobka aduunka wax qabadkiisa taas oo sababtay in kooxda Real ay xidigan dalbato iyado rabta iney ku buuxiso daafaceyda, maadama laga yaabo inu ka baxo daaqada Real Marcelo, waxeyna rabta iney badal ugu dhigto xidigan.

Spurs ayaa laga yaaba iney iska diido iney fasaxdo xidigan isago qandaraas cuusb u saxiixay kooxdiisa kaa oo gaarsiisan 5-sanno.

27-sano jirkan ayaa kooxda Tottenham ugu soo biiray naadiga Burnley sanadkii 2015-kii isago u saftay 42-kulan wuxuuna u dhaliyay 1-gool oo qura intii uu ku sugna kooxdan.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )