WARARKA MAANTA

Shirkadaha Diyaaradaha Xamuulka Qaada Ayaa Loo Fasaxay Inay Ka Shaqo Bilaaban Garoomada Deg.Afmadow Iyo Degaanka Dhobley

Ku simaha madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenka 1 Aad ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo tv-ga dowlad goboleedka Jubbaland la hadlay kadib shir degdeg ah oo looga hadlayay arimo kala duwan oo ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirada ayuu shaaciyay in la furay duulimaadyadii diyaaradaha rakaabka ah ee Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley oo muda dheer aysan ka dagin diyaarado rakaab sida .

Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayey shir ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada Jubbaland,ayaa sheegay in maanta laga bilaabo uu furanyahay lana isticmaali karo  labada garoon ee Afmadow iyo Dhoobley kuwaas oo in mudda ah u xirnaa sababo la xiriira dhanka amniga.

Dhan kale Wasiirka Gadiidka Jubbaland Mudane Maxamed Cabdi Maxamed oo goob joog aha shirka aya sheegey in baahi weyn loo qabey isla markaana ay tahay horumar la taaban karo kaas oo ay ku tillaabsatay Dowlad Goboleedka  Jubbaland.

Furitaanka labada garoon ee Dhoobley iyo Afmadow ayaa fududeyn doona isku socodka iyo ganacsiga dadweynaha ku dhaqan deegaanada hoos yimaada Degmooyinkaasi.

Dhawaan ayey ahayd markii Maamullada Degmada Afmadow iyo Dhoobley ay dayactir ku sameeyeen garoomada diyaaradaha ee Afmadow iyo Dhoobley.

 

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )