WARARKA MAANTA

Shirkii Golaha Amniga Jubaland Ee Billaha Ahaa Oo Maanta Kismaayo Lagu Qabtay+Sawiro

Shirkan Oo Uu Shir Gudoominayay Madaxweyne Kuxigeenka Koobaad Ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Jubaland Ahna Kusimaha Madaxweynaha Jubaland Maxamud Sayid Aadan Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Kismaayo Waxaana Ka Qayb Galay Shirka Xubnaha Gudigga Amniga Jubaland Oo Ka Kooban Qaar Ka Tirsan Golaha Wasiirada Jubaland Iyo Saraakisha Ciidamada Kala Duwan Ee Jubaland

Shirkan Ayaa Waxa Sido Kale Ka Qayb Galaya Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa Ee Amisom Ee Ku Sugan Deeganada Jubaland Gaar Ahaan Magaalada Kismaayo Waxaana Looga Hadlaya Arimo Muhiim Ah Oo Ay Kamid Yihiin Sidii Looga Wada Qayb Qaadan Laha Ladagaalnka Kooxaha Xagjirka Al-Shabaab Iyo Guud Ahan Amniga Deeganada Jubaland

Ajandaha Ugu Muhiimsan  Ee Shirka Looga Hadlayo Ayaa Noqonaya Sidi Figrado Kala Duwan La Isku Dhaafsan  Laha iyo Sidi Deegana Kacanta Jubaland Ka Maqan Looga Xorayn Laha Kooxda Nabad Diidka Ah Ee Al-shabaab Iyo Sidi Dib Uhabayn Iyo Dhiiri Galin Loogu Samayn Laha Ciidamada Kala Duwan Ee Udiyaarsan Kahortagga Qatar Walba Oo Kaga Timaada Kooxda Al-shabaab

Waxaa Sidoo Kale Shirkan oo ah mid billa ah Ka Qayb Galay Gudoomiyaasha Gobolada Jubaland Kuwaas Oo Qayb Ka Ahaa Dadki afkaarta kala Duwan Ka Dhiibtay Waxaana Lagu Heshiiyay In Si Dhow La Iskula Shaqeyo La Iskana Kaashado Sidii Amniga Guud Ee Jubaland Looga Wada Shaqayn Laha

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )