Cayaaraha

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho oo heysta seddex musharax oo badali kara Anthony Martial

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa heysta seddex musharax oo bedelaya Anthony Martial oo qarka u saaran in uu ka dhaqaaqo kooxda ku ciyaarta qalcada Old traford .

Martial waxaa loo sheegay inuu ka tagayo Old Trafford xagaagan, lakiin United ayaa u baahan inay bedesho xidigeeda oo ay lala soo saxiixdeen kooxda Ac manoco oo ka ciyaarta horyaalka Farance .

Weeraryahanka Real Madrid Gareth Bale ayaa ah bartilmaameedka ugu weyn ee Mourinho uu ka dhiganayo badalka laacibka xulka Farance .

Si kastaba ha ahaatee, MEN ayaa sheeganeysa in Mourinho uu ku soo laabtay xiisaha uu u qabo Ivan Perisic ka dib markii uu ku guuleystay Koobka Adduunka ee Croatia.

Dhanka kale, xidiga kooxda Chelsea ee Willian, ayaa sidoo kale ku jira baadi doonka Mourinho ee ku aadan badalka Martial .

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )