Cayaaraha

Wax ka baro 5-Ciyaariyahan oo ay yaraatu ku gashay Bidaarta, Robben, Kompany iyo Kuwa kale,

Bidaar ama Hiiro waa mid dadka ay ugu timaado ama ay ugu dhacdo siyaaboyin kala duwan tusaaler’ Dhaxal, Fikir, Xanuuno ku dhaca Timaha, Nafaqo Dari, Walxo dhoco oo lagu dhaqo Timaha ama la mariyo Timaha (Shaambo ama Saliid) iyo wax yaabo kale oo faro badan, taasoo keenta in Timaha ay daataan.

1. Vincent Kompany – Manchester City’ Vincent Kompany waa 32-sano jir, madaxiisuna waa timo la,aan Sanadihii ugu dambeeyay.

Cayaariyahan Kompany marnaba lama ogeyn inuu bedelaayo timihiisa sida ciyaartoy kale oo badan.

Daafaca dhexe ee Xulka qaranka Belgian ayaa la arkaa in madaxiisa ay ku yaalaan timo yar yar, inkastoo ay u muuqato kuwa dhulka yaala.

 

Image may contain: 1 person

2. Miranda – Inter Milan’ Inaad aragto dadyowga reer Brazil ee Timo dhaadheer leh waa wax aan caadi ahayn marka loo eego dadka Koofurta Maraykanka ka yimaada ku waas timahooda ay badanaa gaagaaban yihiin.

João Miranda oo 33-sano jir daafac dhexe kaga Ciyaara Kooxda Inter Milan iyo Xulka Brazil ayaa sidoo kale waxa uu udub dhexaad uu u yahay goolasha muhiimka ah ee madaxa lagu dhaliyo.

 

Related image

3. Fabian Delph – Manchester City’ Cayaariyahan Fabian Delph ayaa kaliya hal qaab timaha u jarta tan iyo markii uu bilaabay xirfadiisa kubada cagta ee sanadii 2006-dii.

Daafac bidxeed ee Kooxda Manchester City Delph oo 28-sano jir ah loo malayaa in uu yahay Cayaariyahan 38-sano jir ah.

 

Image result for Fabian Delph

4. Arjen Robben – Bayern Munich’ Way adag tahay in la aamino in Arjen Robben uu mar walba madaxa xiirto, ka hor kulamada Kooxdiisa.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ayaa keydka ku waayay Timahiisa, isagoo ku jiray Da’da 24-sano, ka hor inta uusan ku kala wareegin Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea.

 

Related image

5. Lucas Moura – Tottenham Hotspur’ Lucas Moura waa 25-sano jir, laakiin wuxuu lumiyay timahiisa, isagoo Ciyaariyahan da, yar ah.

Moura Wuxuu soo maray lixdii sano ee lasoo dhaafay Kooxda Faransiiska ee Paris Saint Germain, balse Xiddiga garabka ee reer Brazil ayaa si cad u bedelay hiwaayadiisa xaga Kooxaha, balse walaaca Caariyahanka xaga Timaha mar walba waa mid taagan.

 

Image may contain: 1 person, smiling, standing

The post Wax ka baro 5-Ciyaariyahan oo ay yaraatu ku gashay Bidaarta, Robben, Kompany iyo Kuwa kale, appeared first on Goolasha.live.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )