Cayaaraha

Yaab : 7-xidig oo safka koowaad ee Arsenal oo isag tagi kara kooxda xili ciyaareedkan

Arsenal ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada todobo ciyaaryahan ee kooxda koowaad ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xili ciyaareedkan .

Unai Emery ayaa si aad ah ugu mashquulsanaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Emirates isag oona sameyey shan saxiix oo waaweyn tan iyo iyo markii uu shaqadan ka badalay macalin Arsene Wenger.

Waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sii wato inuu kooxdiisa ay sameeneyso dib u soo kabasho dhanka tawabrka iyo tayada ciyaartoyda ee hada ku sugan safka kooxdiisa iyo kuwa hada imaan doona .

Goal.com ayaa sheegneysa in xidigaha Nacho Monreal, Shkodran Mustafi, Danny Welbeck, Petr Cech, David Ospina, Carl Jenkinson iyo Lucas Perez ay dhamaantood ka tagi kara Arsenal.

Dhanka kale Emery, ayaa u sheegay madaxda kooxda in diirada la saaro in kooxdiisa ay baahi u qabto daafac bidix iyo garabka bidix in lagu soo biiriyo kooxda waqooyiga London.

Source: Goolasha.net

Related Posts

Array ( [marginTop] => 100 [pageid] => @jubbalandtv [alignment] => right [width] => 292 [height] => 300 [color_scheme] => light [header] => header [footer] => footer [border] => true [scrollbar] => scrollbar [linkcolor] => #2EA2CC )